Laamaha amniga ee Jubbaland ayaa Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo ku qabtay nin dilaa oo baxsad ahaa, oo sida la sheegay u soo baxsaday dhinaca Somaliya, isla-markaana doonayay inuu u sii dhoofo dalka dibadiisa.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa sheegay in ninkaasi uu ku eedeysan yahay inuu dilay dad uu aabihii ka mid yahay.
“Ninkan shalay baa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, wuxuuna diyaarad maxali ah ka soo raacay Magaalada Dhoobley, isagoo ku socday Magaalada Muqdisho. Baaritaan aan sameynayna waxaan ku ogaanay inuu rabay inuu u sii baxo dhanka dalka Turkiga.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa yiri “Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland, gaar ahaan ciidanka qarsoon ee dharcadka ayaa Garoonka Diyaaradaha ku qabtay, xilli saacadda ku beegneyd 2-dii duhurnimo.”
Jaamac Joofane oo BBC la hadlay ayaa sheegay inay xogta ninkaasi hayeen, maadaama Kenya ay in muddo ahba ku daba joogtay, ka dib markii uu dilal ka gaystay sida uu sheegay xadka labada dal.
“Si guud xogtiisa waan haynay, maadaama ninku nin deegaanada caan ka ahaa oo dhibaato badan dadka u gaystay uu ahaa. Marka xogtiisa waa la haayay, laakiin shalay inuu diyaaradda saaran yahay ama uu garoonka jooggo cidina kuma baraarugsanayn. Feejignaanta Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland iyo sidoo kale baaritaanada ay ku sameeyaan cid kasta oo ka soo degto garoonka ayay ugu suurtagashay inay ninkaasi kaga shakiyaan marka hore, markii baaritaanka ku sameeyeena waxaa soo baxday ninkaa inuu ahaa nin caan ah oo Kenya ay muddo raadineysay, oo xadka Kenya iyo Somaliya dhibaato sanado badan ka soo gaystay inuu yahay, sidaasi ayayna Jubbaland ugu caddaatay ninkaasi inuu ninkii dembiilaha ee la raadinayay uu yahay, waa la xiray, baaritaano ayaana ku socdo oo hadda Jubbaland buu u xiran yahay.” Ayuu yiri Jaamac Joofane.
“Ninkan wuxuu ku eedeysan yahay inuu dilay dad ku dhow 30 qof, oo dadkii socotada ahaa ee xadka marayay ah.” Ayuu yiri Joofane oo intaasi ku daray “Xitaa dadka uu dilay sida hadda hay’adaha amniga noo sheegeen waxaa ka mid ah aabihiis, oo la sheegay inuu ku dilay arrimo la xiriira inuu shuftada ka baxo iyo wax lamid ah, uuna ka diiday.”
Joofane ayaa intaasi raaciyay “Ninkan naaneys caan ah buu leeyahay oo la yiraahdo ‘aabihiis dile’ oo dadka deegaanka ay u garanayaan. Shalay magac been ah ayuu ku dhoofaayay oo ah ‘Cabaas Cabdi Cali’. Ninkan kiiskiisu waa kiis weyn oo baaritaan u baahan, dad badan buuna ku eedeysan yahay inuu dilay, qaarna uu dhacay.”
Inkastoo ninkani uu ku eedeysan in dadka uu dilay ay reer Jubbaland u badan yihiin, haddana Joofane ayaa sheegay inay suurtagal tahay in Kenya ku wareejiyaan, haddii labada dhinac ay isu afgartaan, maadaama uu dhibaatadaasi ka gaystay gudaha dalkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com