Ruushka oo gantaal halis ah u sameystay Wadamada Reer Galbeedka

Ruushka ayaa tijaabiyay gantaal cusub oo qaaradaha isaga kala gudba, waana gantaalkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee si guul ah u tijaabiyaan.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa gantaalka Sarmat ku sheegay mid Reer Galbeedka ka dhigi doono inay laba jeer ka fekeraan, inta aanay ku soo gardaroon dalkiisa.

Madaxweynaha oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in gantaalka laga tuuray deegaanka Plesetsk ee waqooyi galbeed Ruushka, uuna ku dhacay bartilmaameedka Jaziiradda Kamchatka ee bariga fog, Arbacadii.

Madaxweynaha oo bogaadinayay militariga dalkiisa ayaa yiri “Waxaan idinkugu hambalyaynayaa guusha aad ka gaarteen tijaabada gantaalka balaastikada ee qaaradaha isaga kala gudba ee Sarmat.”

Putin ayaa yiri “Hubkan dhabta ee gaarka ah wuxuu xoojin doonnaa awoodda dagaalka ee Ciidamadeena Qalabka Sida, si la isku halayn karo ayuuna u xaqiijin doonnaa amniga Ruushka, wuxuuna ka dhigayaa kuleylka kuwa hadalada gardarada leh ee isku dayaaya inay dalkeena u hanjabaan in ay taasi laba jeer ka fekeraan.”

Gantaalkan oo howshiisu ay socotay dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa si fudud isaga kala gudbi kara qaarad illaa qaarad kale, waana gantaalka loo sameeyay inuu qaado madaxyada hubka Nuclear-ka. Sarmat ayaa aad uga taya sarreeya, gantaalkii uu horey Ruushka u farsameeyay ee (Voyevoda), kaas oo xulafada NATO ku magacaabeen (Shaydaanka).

Hadalka Madaxweyne Putin ayaa imaanaya maalin uun ka dib, markii Hoggaamiye-yaasha NATO ay sheegeen in taageero kaloo militari oo dheeraad ah ay siin doonaan Ukraine, si ay isaga caabiso gulufka cusub ee Ruushku ka bilaabay bariga dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com