Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo lagu weeraray Magaalada Gaalkacyo

Weerarkan ayaa caawa ka dhacay Beerta Duqii hore ee Gaalkacyo oo ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ka arrimiso, waana xilli uu beertaasi ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Puntland ay weerareen beertaasi, xilli Wasiirka uu kulan kula lahaa Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka. Warar kalena waxay sheegayaan in Wasiirka uu ka qaybgalay kulan afur ahaa, oo uu u sameeyay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Cabdisaciid Xuseen Jaamac iyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoon Yaasiin Cabdisamad uu soo gaaray dhaawac culus, haatana dhaawaciisa lagula tacaalayo Isbitaalka Gaalkacyo.

Laamaha amniga iyo Maamulka Gobolka Mudug ee qaybta Puntland ayaa maanta soo saaray inaanan magaalada lagu qaban karin kulamo siyaasadeed, oo aan fasax looga haysan hay’adaha ammaanka.

Saraakiisha Booliska Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug ayaan weli ka hadlin waxa weerarkaasi keenay iyo waxa uu ku saabsanaa kulanka ka socday beertaasi.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Wasiirku uu shalay uun uu gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waana maalin uun ka dib, markii Madaxweynaha Puntland uu gaaray Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com