Madaxweyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta dhagax dhigay Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Ceelwaaq.
Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in qaab casri ah loo dhisi doono garoonkaasi, Madaxweynuhuna uu diyaar u yahay in la guda galo Dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Gedo, laguna bilaabo Degmada Ceelwaaq.
Ceelwaaq waxaa maanta lagu qabtay doorashada 11 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland. Kuraastan ayaa ka mid ah 16 kursi oo dhawaan laga soo wareejiyay Magaalada Garbahaarey.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay “Waxaa Madaxweynuhu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad Jubbaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay Gobolka Gedo inay ku metelaan Baarlamaanka JFS.”
Waxa kaloo qoraalka lagu yiri “Madaxweynahu wuxuu goobjoog ka ahaa doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq. Isagoo u kuurgelayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahadceliyay Guddiyada Doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com