Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Degmada Ceelwaaq (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ceelwaaq oo ah deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada 11 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf.

War ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Waxaa Madaxweynuhu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad Jubbaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay Gobolka Gedo inay ku metelaan Baarlamaanka JFS. Madaxweynahu wuxuu goobjoog ka ahaa doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq. Isagoo u kuurgelayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahadceliyay Guddiyada Doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com