Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa xalay shaaciyay Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 5 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
Kuraastan oo doorashadoodu lagu qaban doono Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu tirsigoodu yahay #HOP131, #HOP123, #HOP122, #HOP125 iyo #HOP110.
Kuraastan ayaa ka mid ah 16-kii kursi ee dhawaan doorashadooda laga soo wareejiyay Magaalada Garbahaarey, loona weeciyay dhanka Degmada Ceelwaaq.
Ceelwaaq waxaa Jimcihii lagu qabtay doorashada 11 kursi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com