Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha Hirshabelle (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xaifiikiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay dhameystirka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan maamulkaasi.

“Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo ay ka wada hadleen dhameystirka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan Hirshabelle iyo qodobbo kale.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay si dhow uga wada hadleen kursigii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal go’aamiyeen in doorashadiisa lagu celiyo.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa 18-kii bishan Caasimadda Muqdisho u yimid wejiga labaad ee doorashooyinka dalka, oo ay tahay in lagu soo doorto Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com