Doorashada hal kursi oo lagu qabtay Magaalada Jowhar

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Kursigan oo tirsigiisu ahaa #HOP009 ayaa waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) iyo Cabdisataar Cabdisalaan Xasan Barsane.

Cali Gaab ayaa ku guuleystay codad dhan 67 cod, iyadoo musharaxii la tartamayay uu helay 33 cod, halka 1 cod uu halaabay.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay in Cali Gaab uu yahay musharaxa ku guuleystay kursiga #HOP009.

Jowhar oo ah deegaan doorashada 1aad ee Hirshabelle ayaa waxaa hadda ku harsan saddex kursi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com