Macron oo mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi, ka dib markii uu ka adkaaday haweeneyda Xisbiga Midigta Fog ee Marine Le Pen.

Dadweynaha Faransiiska ayaa saakay u dareeray wareegga labaad ee doorashada, iyadoona goobaha ugu dambeeya ee doorashada ay soo xirmeen 8-dii fiidnimo ee caawa. Doorashada sanadkan ayaa waxaa ka qayb qaatay dadkii ugu badnaa.

Inkastoo aan weli lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaa waxay haddana qiyaasaha soo baxaya ay muujinayaan in Madaxweyne Macron uu helay ku dhawaad ​​​​57-58 boqolkiiba codadka wareegii labaad ee doorashada Axaddii.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegaysa in Macron uu haysto codadkii uu u baahnaa, inkastoo weli ay natiijooyinka coddeynta ka imaanayaan dalka oo dhan.

Marine Le Pen oo ah musharaxa Xisbiga RN (Rassemblement National ama National Rally) ayaa heshay 41.8 boqolkiiba codadka, taasoo ah tii ugu sarreysay saddexdii tartan ee u dambeeyay, ee ay ku guul dareysatay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha ayaa ammaanay shacabka dalkiisa, isagoona bogaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo Faransiiska.

Xeeldheereyaasha ayaa sheegaya inay saamayn yeelatay dooddii ugu dambeysay ay labada dhinac yeesheen toddobaadkii hore, taasoo ay Marine Le Pen ku sheegtay in ay ka hortaggi doonto awoodda Midowga Yurub, iyadoona ka soo horjeedsatay cunaqabateynta ay NATO saartay Ruushka, waxayna u muuqatay mid taageero ka raadsatay Moscow, halka Macron uu taageero ka helayay Midowga Yurub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com