Nabad Sugidda Jubbaland oo fashilisay qarax, gudaha Magaalada Kismaayo

Ciidanka Nabad Sugidda & Sirdoonka Jubbaland ayaa xalay fashiliyay qarax miino oo Al Shabaab ay albaabka ugu dhajiyeen masuul ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Ciidanka ayaa ku guuleystey inay miinada ka furaan albaabka, ayada oo aan wax khasaare ah ka dhalan. Wada shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ayaana keentay in la fashiliyo qaraxaasi.

Ciidamada NISA oo kaashanaya shacabka Magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay in la fashiliyo qaraxan, kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com