Rooble oo u ambabaxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar hal maalin qaadan doona ugu ambabaxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo uu uga qaybgelayo shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Somaliya.

Shirkan oo ay ka soo qaybgeli doonaan madax sarsare iyo wasiiro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra’iisal Wasaaruhu ka jeedin doonnaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bani’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.

Ka qaybgalka Ra’iisal Wasaaraha ee shirka Geneve ee arrimaha abaaraha, xilli ay gebo-gabo mareyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yahay ayaa muujinaya, sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan, si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com