Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horyimid warkii dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ee ahaa inuu si ku-meel-gaar ah ula wareegay talada maamulka, haddii Madaxweynuhu uusan si kmg ah u gudan karin waajibaadkii dastuuriga ahaa, waana maalin uun ka dib markii Madaxweynuhu uu u safray Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland ayaa qoraal uu caawa soo saaray ku sheegay inaanay dhaqangal ahayn wareegta kasta oo Kuxigeenkiisa uu soo saaro, inta uu ku sugan yahay dalka gudahiisa.
“Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga, sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2aad, fulinayana awoodaha dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland, aniga oo ku sugan gudaha dalka Somaliya.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa hay’adaha maamulka faray in qof kasta uu shaqadiisa qabsado, isla-markaana aysan u hoggaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsanayn buu yiri Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland.
“Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha dowladda in qof kastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland, sida ku cad qodobka 138aad, farqaddiisa 2aad ee Dastuurka Puntland.” Ayuu Deni ku sheegay qoraalkiisa.
Warka Deni ayaa ku soo aadaya, saacado ka dib, markii Kuxigeenkiisa uu maanta magacaabay tiro Agaasimeyaal iyo Agaasime Kuxigeeno.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com