Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Ergayga Britain u qaabilsan Geeska Afrika (SAWIRRO)

Ra’iisa Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Geneva kula kulmay Ergayga Gaarka ee Dowladda UK u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas, Danjire Philip Parham, ka hor shirka heerkiisu sarreeyo ee looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika, kaas oo berri ka furmaya Geneva.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo horumarinta iskaashiga xoogan ee labada dal iyo xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta Somaliya.

Danjire Parham ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda UK uga go’an tahay sii wadista taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen habsami u socodka doorashooyinka dalka oo heer geba-gabo ah maraya, waxa uuna danjiruhu Ra’iisal Wasaare Rooble uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u maamulay doorashooyinka dalka oo si guul ah ku soo gaaray heer gebogebo ah.

Dhankiisa Ra’iisal Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay iskaashiga iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada ay ku jirto duruufan adag oo kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com