Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weeraray fariisimaha ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Maanka Fuulka Baydhabo.
Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay si adag isaga caabiyeen weerarkaasi, ayna maleeshiyadii Shabaabka ku khasbeen inay dib u gurtaan.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in jug culus ay ka maqlayeen aagga Maanka Fuulka, intii u dhaxeysay xilliga saxuurta iyo Salaadda Subax.
Shabaabka ayaa intii uu weerarkan socday waxa ay weerar kale ka gaysteen kontoroolka ay ciidamada ku leeyihiin halka lagu magacaabo Makuudo.
Kontoroolka Makuudo oo ku dhow kontoroolka Carro Gaduudda ayaa laga ilaaliyaa amniga Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay labadaasi weerar, sababo ku aaddan xilliga oo goor hore oo waaberi ahaa iyo dhinacyada, oo aan weli ka hadlin.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com