Taliska Midowga Afrika oo bandow ku soo rogay Xerada Xalane

Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya (ATMIS) ayaa shaaciyay in mar kale ay xayiraad gelinayaan dhaqdhaqaaqa Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Warqad uu Taliska ATMIS u diray safaaradaha, Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo diplomaasiyiinta ku sugan Xerada Xalane ayaa lagu sheegay in xaalad bandow ah la gelin doono xeendaabka Garoonka Aadan Cadde laga bilaabo 25-28 bishan.

Tallaabadan ayaa lagu sugayaa ammaanka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, oo 27-ka bishan ka dhaceysa Xerada Afisyooni.

Hawlgalka KMG ee ATMIS ayaa horey muddo lix cisho ah hakad u geliyay dhaqdhaqaaqa aagga Garoonka Aadan Cadde, markaas oo loo diyaargaroobayay munaasabadda dhaarinta ee Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com