Xildhibaanadii lagu doortay Ceelwaaq oo lagu dhaariyay Muqdisho (SAWIRRO)

Waxaa caawa Magaalada Muqdisho lagu dhaariyay Xildhibaanadii dhawaan lagu doortay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday Hotel Decale oo ku yaala aagga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka qaybgalay Gudomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad), Xoghayaha Golaha Shacabka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Askar ka tirsan kuwa laamaha amniga ayaa isku dayay inay is hortaagaan munaasabadda dhaarinta, waxaana halkaasi laga maqlay rasaas daqiiqado yar socotay.

Ciidan kale oo goobtaasi ka ag-dhawaa ayaa gacanta ku dhigay saddex ka mid ah Ciidanka Dharcadka ee Hay’adda NISA.

Muuqaalo goobtaasi laga soo qaaday ayaa muujinaya raggaasi oo goobta laga kaxeynayo, iyagoo shaararkooda loogu duubay indhaha.

Tani ayaa loo fasirtay isku day kale oo Villa Somalia ku dooneysay inay ku carqaladeyso dhameystirka howlaha doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com