Deni oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay doorashooyinka dalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Marwo Kate Foster.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Kate Foster ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka iyo midda doorashada.

“Waxaan kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Somaliya, Kate Foster, oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo doorashada.” Ayuu Madaxweyne Deni ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada.

Deni ayaa bishii hore ee March ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan jegada madaxtinimada Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com