Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa ka dhaceysa Teendhada Afisyooni, oo dacalka ku haysa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaasoo amnigeeda si weyn loo adkeeyay.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxaa u taagan illaa laba iyo toban musharax. Saddex musharax ayaa ku tartami doono jegada Gudoomiyaha Aqalka Sare, iyadoo laba musharax ay ku tartamayaan Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, halka toddobo musharax ay ku tartami doonaan Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Gudoomiyaha KMG ee Golaha Aqalka Sare, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac ayaa Isniintii kormeeray hoolka lagu qabanayo Doorashada Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa Kuxigeeno.

Arbacada berrito ayaa sidoo kale Caasimadda Muqdisho lagu dooran doonnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Kuxigeenadiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com