Farmaajo oo si adag uga horyimid amarkii Rooble ee ahaa in ATMIS la wareegto amniga Afisyooni

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal kaga jawaabay warkii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku sheegay in Taliska ATMIS uu faray inay si degdeg ah ula wareegaan amniga Teendhada Afisyooni, oo lagu wado in berrito lagu qabto Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hawlgalka Midowga Afrika ee dalka uu ku shaqeynayo habraaca amniga doorashooyinka, ee ay ku heshiiyeen Madaxa Wadatashiga Qaran.

Qoraalka Madaxweynaha ayaa u qornaa:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markuu arkay dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka iyo baahida loo qabo dhameystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuu Madaxweynuhu adkeynayaa qodobbadan;

1. Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, Guddiga Amniga Doorashada oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa masuul ka ah sugidda amniga doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

2. Golaha Shacabku waa hay’ad astaan u ah matalaadda iyo madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed. Amniga xarumaha ay ku shaqeynayaan waxaa masuul ka ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

3. Hawlgalka ATMIS wuxuu gacan siiyaa Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo iskaashi wadashaqeyn la leh Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ah hoggaanka arrimaha amniga doorashooyinka.

4. Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaranka, umana hoggaansami karaan amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Golaha Shacabka.

5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in la dardargeliyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna ka digayaa falalka lidka ku ah Heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa oo ay Madashu ku heshiisay.

6. Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii Abriil 2022, ka soo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com