Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay jegada Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib markii uu tartanka kaga adkaaday labadii musharax ee la tartameysay.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa helay 28 cod, iyadoo Saalax Axmed Jaamac uu helay 24 cod, halka Cismaan Abokar Dubbe uu helay 2 cod.
Sidoo kale tartan adag ayaa waxa uu dhex maray labadii musharax ee u taagnaa Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare, oo lagu kala magacaabo Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Cali Shacbaan Ibraahim.
Doorashada oo laba wareeg ahayd ayuu wareeggii hore Cabdixakiin Macalin helay 27 cod, iyadoo Cali Shacbaan uu helay 26 cod, halka codka 1 cod uu xumaaday. Wareeg labaad ayaa la isla aaday, maadaama musharaxa uu ku guuleysan karo 28 cod, wuxuuna markii dambe Cali Shacbaan helay 28 cod, iyadoo Cabdixakiin Macalin uu helay 25 cod, halka codna uu halaabay, waana doorasho ay wax dooranayeen 54-ka xubnood uu golahaasi ka kooban yahay.
Jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad oo toddobo musharax ay ku tartameysay ayaa waxaa wareeggii 3aad isugu soo haray Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana 30 cod ku guuleystay Timacadde, iyadoo Fartaag uu helay 23 cod, halka 1 cod uu halaabay.
Geba-gabadii doorashada Gudoomiyaha KMG ee Aqalka Sare, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa dhaariyay saddexdii xubnood ee loo doortay Guddoonka Golaha Aqalka Sare.
Gaagaab ayaa markii dambe xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com