Rooble oo Taliska ATMIS faray inay la wareegaan amniga Teendhada Afisyooni

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Taliska Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (ATMIS) waxa uu faray inay la wareegaan amniga Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika uu faray inay si degdeg ah ula wareegaan amniga Teendhada Afisyooni, oo berrito lagu wado in lagu doorto Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qoraalka Rooble ayaa u qornaa:-

Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhameystirka doorashada, waxaan faray Ciidanka Nabad Ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, si aan u taaba-galino Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaargarowno Doorashada Madaxweynaha, bisha soo socota.

Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqayn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga & Gaashaandhigga iyo weliba Guddoonka Baarlamaanka.

Sidaas darteed, liiska Xildhibaannada galaya Teendhada Afisyooni waxaa soo gudbinaya Gudoomiyaha KMG ah, ka dibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskayga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com