RW Rooble oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magaalada Geneva kula kulmay xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland, oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan heerka ay mareyso abaarta dalka ka jirta iyo sida qurbajoogta Soomaaliyeed uga qayb qaadan karto gurmadka dadka abaartu saameysay, doorashooyinka iyo amniga dalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo Geneva uga qaybgelaya shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaareed ee Somaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in loo gurmado dadka ku tabaaloobay abaarta ba’an ee dalka ka jirta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale jaaliyadda uga warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, habsami u socodka doorashooyinka oo heer gebogebo ah maraya iyo xaaladda amni ee dalka, isagoo ka codsaday in dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadda ku nool ay door muhiim ah ka qaataan horumarinta dalka.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hormuudka ah ee doorashada, gurmadka abaaraha iyo waajibaadka kale ee xukuumaddiisa loo igmaday.

Kulanka Ra’iisal Wasaaruhu la yeeshay Jaaliyadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Safiirka Somaliya ee Switzerland, Marwo Abyan Maxamed Saalax, diblomaasiyiinta Safaaradda iyo masuuliyiin kale oo Ra’iisal Wasaaraha ku wehliyay safarkiisa dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com