Taliyaha Ciidanka Booliska oo beeniyay eedeymaha loo jeediyay ciidamada amniga

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay ciidamada amniga, ee ahaa inay is hortaaggeen dhaarinta Xildhibaanadii dhawaan lagu doortay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo inay Guddoonka KMG ee Golaha Shacabka u diideen inay ku shaqeeyaan Xarunta Golahaasi.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu beeninayaa wararka aan sal iyo raadka toonna lahayn ee baraha bulshada lagu soo bandhigay, oo ahaa: 1. In Boolisku hor istaagay shaqada Golaha Shacabka ee Xarunta Villa Hargeisa iyo 2- In Ciidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Baarlamanka u diideen Teendhada Hangarka (Afisyooni), oo ah wax laga xumaado in dad mauuliyiin ah abaalgud uga dhigaan Ciidanka Booliska oo shaqo adag u haya ummadda Somaaliyeed.” Ayuu Taliyaha ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu caddeynayaa in aysan jirin Ciidan Boolis ah oo saaka joogay Xarunta Villa Hargeisa, oo ay amnigeeda sugaan ciidamo kale oo aan ahayn Booliska, mana jirto ciidan boolis ah oo saaka tegay halkaas.

U diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo ka socotay Teendhada Afisyooni awgeed, booliska iyagoo gudanaya waajibaadkooda, sidii caadiga ahayd, waxaa shalay Xarunta ka socday howlo amniga lagu sugayo, waajibaadka amni ee badqabka goobta, hubinta amniga masuuliyiinta, hawlwadeenada, marti-sharafta iyo Warbaahinta, iyadoo la raacayo habraacyada doorashada, mana jirin shaqo ku saabsan Golaha shacabka oo halkaas ka socotay.”

Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa maanta la soo geba-gabeeyay, waxaa berritana lagu wadaa in Caasimadda Muqdisho lagu doorto Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com