Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo caawa ka bilaabatay Afisyooni

Waxaa goor dhow oo caweyskii caawa ah Magaalada Muqdisho ka bilaabatay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waana doorasho ay wax dooranayaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka.

Doorashada oo ka socoto Teendhada Afisyooni ayaa lagu soo dooran doonnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Labadiisa Kuxigeeno.

Illaa shan iyo labaatan musharax ayaa loo diiwaangeliyay Guddoonka Golaha Shacabka, iyadoo sideed ka mid ahna ay ku tartami doonaan jegada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan ayaa sheegay in madasha ay fadhiyaan 257 Xildhibaan, oo ay ku jiraan 17 Xildhibaan oo aanan codeyn doonin.

Talaadadii ayaa Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Haddii caawa la soo geba-gabeeyo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa looga gudbi doonnaa Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com