General Xijaar oo ku taliyay in dib loo dhigo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ku baaqay in dib loo dhigo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, oo maanta lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Amniga ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inuu jiro nidaam ay tahay in la raaco, ka hor inta aan loo dareerin sida uu sheegay doorashada.

“Waxaa jiray nidaam iyo xeer la maro, intaan doorashada loo dareerin oo Ciidanka Booliska lagu soo wareejiyo lama maalmood ka hor Hangarka Afisyooni ama hoolka lagu qabanayo doorashada, taasoo looga dan leeyahay in amniga la sugo, lana soo gudbiyo liiska musharaxiinta, liiska dadka wax dooranaya (Xildhibaanada), Warbaahinta iyo liiska Howlwadeenada Baarlamaanka. Howlahaas oo dhan waxay u baahan yihiin laba maalmood iyo wax lamid ah, waxay u baahan yihiin in la baaro hoolka ama Hangarka lagu qabanayo doorashada, in basaska uu boolisku ku soo qaadayo la diyaariyo, in baabuurta meesha ay dhigan lahaayeen la sameeyo. Waxaas oo dhan waxaa la rabay in la diyaariyo, laba maalmood ka hor.” Ayuu yiri Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan iyo xubnaha la shaqeeya aanay weli laamaha amniga u soo gudbin liisaskaasi, oo muhiim u ah sida uu yiri amniga doorashada.

“Waxaa uu dib u dhac ku yimid Gudoomiyaha KMG iyo qolada la shaqeyneysay, oo illaa waqtigan aan liisaskii u soo gudbin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.” Ayuu yiri General Xijaar oo intaasi ku daray “Waxaas oo dhan illaa iyo haddeer waxaanu hayno malahan.”

General Xijaar ayaa yiri “Taas waxay i tusaysaa in ka boolis ahaan, masuuliyadda amniga ee doorashada halkaa lagu qabanayo aanan damaanad qaadi karin.”

Jananka ayaa intaasi raaciyay “Masuuliyiin baa gacanta ku haya in la qabanayo doorashada iyo in kale, anaggu waxaan leenahay talo, taladeenuna waxaa weeye in dib loo dhigo doorashada, asbaabahaa awgeed iyo amniga dartiis.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com