Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo ka wada hadlay amniga doorashooyinka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa galabta Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan looga hadlayay amniga doorashooyinka, oo uu la qaatay Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Saraakiisha hay’adaha ammaanka.

Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in lagu heshiiyay in Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka loo ogolaado inay ka qaybgalaan Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

“Kulanka waxaa lagu heshiiyay in Xildhibaanada Barlamaanka 11aad ee ka qaybgelaya Doorashada Guddoonka loo ogolaado inay soo gaaraan Xarunta Afisiyooni oo la qaado jidgooyooyinka loo dhigtay Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.” Ayuu Shariifku ku sheegay qoraal uu caawa ku daabacay boggiisa Facebook.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maanta lagu waday inay ka qabsoomto Teendhada Afisyooni ayaynaan taasi suurtagelin, ka dib markii Xildhibaanada laga hor istaagay inay gaaraan hoolka doorashada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaase caawa ku sugan hoolka doorashada, halkaasoo ay tahay in lagu doorto Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Labadiisa Kuxigeeno.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com