Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).
Wasiirka ayaa wareegtada ku sheegay in Taliyuhu uu sababteedu leeyahay khatarta iyo xasillooni la’aanta ka dhalatay dhameystirka howlaha doorashooyinka ee dalka, isla-markaana uu si bareer ah isugu dayay in uu is hortaago Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, oo maanta lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu Taliyuhu ku eedeeyay in uu ku milmay siyaasadda iyo doorashooyinka dalka, isla-markaana uu u adeegayo dano gaar ah.
“Waxaa shaqa joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022. Waxaa si KMG ah Hoggaanka Ciidanka Booliska u sii wadaya Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.” Ayuu Wasiirku ku sheegay wareegtada.
Wasiirka ayaa Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda faray inay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, gaar ahaan midda doorashooyinka.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa Guddoonka KMG ee Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadaba ku wargeliyay inay u madaxbannaan yihiin goorta iyo goobta qabashada ee Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com