Wararkii ugu dambeeyay doorashada ka socoto Teendhada Afisyooni

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo loo diiwaangeliyay illaa sideed musharax, bilowgiiba waxaa si lama filaan ah uga tanaasulay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyihi hore ee Golaha Shacabka, waxaana wareeggii hore ku tartamay toddobo musharax.

Wareegii 2aad oo ay u soo gudbeen illaa afar musharax ayaa waxaa tanaasulay Cabdullaahi Axmed Aadan (Cabdullaahi Black) iyo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor).

Wareegga 3aad doorashada oo haatan ka socoto Teendhada Afisyooni ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Xasan Cabdinuur Cabdi.

Aadan Madoobe ayaa waxaa taageeraya mucaaradka, halka Xasan Cabdinuur Cabdi ay wadato Villa Somalia.

Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayay tahay inay doortaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiye Kuxgeenka 1aad iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa looga gudbi doonnaa Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com