Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada kaga adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdinuur Cabdi.
Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan ayaa ku dhawaaqay in Aadan Madoobe uu helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur-na uu helay 89 cod.
Xasan Cabdinuur ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, isagoona muujiyay in uu ku qanacsan yahay habka ay u dhacday doorashada, oo uu ku tilmaamay mid xor iyo xalaal ah.
Doorashada oo soo gaartay xilli dambe oo habeen ah ayaa la soo xiray fadhigii Baarlamaanka, iyadoona Khamiista la dooran doono Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.
Aadan Madoobe ayaa bedelaya Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com