Dad isku qoys ahaa oo ku la’day shil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyay afar qof oo isku qoys ahaa ayaa ku dhintay shil gaari oo gelinkii damb ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa ka dhacay waddada kala qaybisa Degmooyinka Shangaani iyo Xamar Weyne, waana waddada horumarta Bankiga Dhexe ee laga galo Xeebta Suganta Liido, gaar ahaan ka soo horjeedka Dhismaha Bateera.

Cabaas Maxamed Cumar oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Universaltv u sheegay in gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda uu si kedis ahayd uga baxay waddada, uuna dulmaray goob ganacsi oo qoyskaasi ku lahaayeen waddada dhinaceeda.

“Qoyskan waxay ahaayeen qoys iska danyar ah, maamada qoyska ayaa meesha ku haysatay miis yar oo wax ku iibineysay. Marka waxaa kulmay maamada oo ay la jooggaan carruur yar yar oo ayeeyo u tahay, gabadhii carruurta dhashay iyo baabuur ordaayo oo soo galay.” Ayuu yiri Cabaas Maxamed Cumar.

Waxa kaloo uu yiri “Baabuurkan shilka galay wuxuu ahaa baabuur Cabdi Bille ah oo Ciidamada Dowladda ay leeyihiin. Dadka xaafadda ayaa qabtay darawalkii baabuurka waday, waxayna ku wareejiyeen Ciidamada Booliska oo xabsiga u taxaabay. Ciidamada Taraafikadana meesha ayay yimaadeen, sida uu shilka u dhacay ayayna wax ka qor-qoreen.”

Cabaas Maxamed ayaa intaasi ku daray “Aniga waxaan arkay meydadka afar qof oo maamada ay ku jirto iyo dhaawaca gabadhii carruurta dhashay, oo hadda koomo ku jirto. Carruurta dhimatay waxay isugu jiraan canug yar oo umul ahaa iyo wiil iyo gabar. Shil naxdin leh ayuu ahaa.”

Waddada uu shilku ka dhacay waxaa aad u isticmaala gaadiidka Ciidamada Dowladda, waxaana horey waddadaasi looga mamnuucay mooto bajaajta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com