Gudoomiye Kuxigeenada Golaha Shacabka oo la doortay

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ayaa loo doortay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ka db doorasho ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa loo doortay inuu noqdo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka.

Waxaa ka sii horeeyay oo xalay Magaalada Muqdisho lagu doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, oo loo doortay Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa soo geba-gabeeyay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa xiggi doonto midda Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com