Madaxweyne Deni “Dalku wuxuu galay marxalad cusub”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha xigga ee golahaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Aadan Madoobe uu horey xilkan u soo qabtay, xilli dalku uu wajahayay xaalad adag, uuna ku guuleystay inuu ka samata-bixiyo xaaladaasi, haatana uu u rajeynayo in uu isu soo dhaweeyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee lagu doortay Magaalada Muqdisho, Gudoomiye Aadan Madoobe, oo horeyna u soo noqday Gudoomiye, weliba xilli adag, xilligii ee Dowladdii Ku-meel-gaarka iyo Maxaakiimtii ay ku bahoobeen ee Baarlamaanku 550 Xildhibaan noqday, xilligaasna uu Aadan Madoobe hoggaaminayay. Waxaan u rajeynayaa in marxaladan adag ee labaad uu noqdo Gudoomiye ka samata-bixiya, iskuna wada bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaana Xildhibaanada.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Madaxweynaha oo ammaanay laamaha amniga ayaa yiri “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidamada ammaanka oo runtii, iyagoo amaro khaldan haystay haddana muujiyay in ay fahmaan wadciga, oo ay la qaybsamaan dadka arrintaa ku howlanaa, sidii ay arrintaa u xalin lahaayeen. Si gaar ah ayaan ugu mahadcelinayaa dhallinyarada ammaanka Magaalada Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha, oo masuul ka ah hangarkii wax lagu dooranayay.”

“Waxaa lagu guuleystay is bedel degan oo hufan oo walaalnimo ah inuu dhaco.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni oo intaasi ku daray “Lama kala guuleysan ee waa la wada guuleystay, dalkuna wuxuu galay marxalad cusub, wuxuuna yeeshay guddoon cusub.”

Deni ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Ciddii uu Ilaahay u gartay ayaa ku guuleysatay, laakiin muhiimadeenu waxa ay ahayd in ay doorashadu dhacdo, oo guddoon cusub la doorto.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com