Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo loo doortay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhameystirka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay hannaanka dimoqraadiyadeed ee geeddi socodka siyaasadda dalka, oo aas-aas u ah xasilloonida iyo horumarka Dowladnimada Somaliya.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoonka Cusub waxaa hortaalla masuuliyad taariikhi ah oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah horumarka dowladnimada, adkeynta guulaha la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo xaqiijinta hiigsigeenna Qaranimo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Xildhibaanada cusub iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hannaanka doorashooyinka dalka, oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyay laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga rajeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe in uu waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta. Sidoo kale waxa uu xusay doorkii Gudoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com