RW Rooble oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Gudoomiyihii KMG ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad).

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqasho iyo hambalyo ugu tagay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Gudoomiyihii KMG ahaa ee Golaha, Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaarha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha oo la afuray labada masuul ayaa Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo doortay, una rajeeyay guul.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa Gudoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay, isagoo ku ammaanay sidii uu u hoggaamiyay howshii Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, oo si guul ah ku soo idlaatay.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com