Somaliya oo dib u hawlgelisay Safaaradeedii Rwanda

Dowladda Somaliya ayaa shaacisay in ay dib Safaaraddeedii uga furatay dalka Rwanda, iyadoo la fulinayo heshiiskii 26-kii January ay kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali iyo dhiggiisa dalkaasi Vincent Biruta.

Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjiranimo ku wareejisay Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame , 26-kii bishan April, iyadoo Safiir “Ma Degane” ka ah Jamhuuriyadda Rwanda.

Danjire Sahra Cali ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah warqadaheeda aqoonsiga danjiranimo ku wareejisay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaasi, 25 bishan April.

Somaliya ayaa xiriir dhinacyo badan la leh Rwanda, waxaana tallaabadan diblomaasiyadeed ay qayb ka tahay qorshe lagu ballaarinayo metelaadda Safiirada Somaliya ee dalal dhowr ah, oo ay ka noqonayaan Safiir (Ma Degane) ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com