Aadan Madoobe oo la kulmay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa caawa siyaabooyin kala duwan hoygiisa ugu qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal Wasaarihii hore ee xukuumadda, Xasan Cali Khayre iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo saddexduba ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Qoraal lagu daabacay bogga Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Gudoomiyaha iyo musharax Madaxweyne mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka wada hadalay muhiimadda ay leedahay dhameystirka hannaanka doorashooyinka, Marxaladda kala-guurka iyo abuuridda xasillooni siyaasadeed.”

Qoraal kale oo wax yar ka dib lagu daabacay boggaasi ayaa lagu sheegay “Musharax Xasan Cali Khayre wuxuu bogaadiyay doorashooyinkii Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad, wuxuuna u hambalyeeyay Guddoonka la doortay. Waxayna si gaar ah Gudoomiyaha iyo musharaxa uga wada hadleen in si wadajir ah looga shaqeeyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran.”

Gudoomiyaha ayaa kulan kale la qaatay musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku soo booqday hoygiisa Magaalada Muqdisho, wuxuuna bogaadiyay doorashooyinkii Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad, una hambalyeeyay Guddoonka la doortay. Waxay ka wada hadleen sida ugu habboon oo ay doorashada madaxweynaha ku qabsoomi karto. Gudoomiyaha ayaa ballanqaaday in uu ka shaqeynayo, sidii ay doorashada madaxweynaha dalka ugu qabsoomi lahayd si hufan oo xasilloon.

Kulamadan ayaa qayb ka ah kulamo maalmahaanba uu Aadan Madoobe la qaadanayay siyaasiyiinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com