Aadan Madoobe oo xilka kala wareegay Ex Gudoomiye Mursal (SAWIRRO)

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xilka kala wareegay Gudoomiyihii hore ee golahaasi, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha cusub ayaa xilka kula wareegay kulankii ugu horeeyay Golaha Shacabka, oo uu maanta shir guddoomiyay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa Xarunta Villa Hargeisa ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay, oo uu waramayo waxqabadka Baarlamaankii 10aad.

Dhanka kale Aadan Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay gelayaan fasax dhowr cisho ah, maalmaha Ciidul Fidriga awgeed, ayna dib isugu soo laaban doonaan 4-ta bisha soo socoto ee May.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com