Dowladda Federaalka oo ku dhawaaqday in berrito la dhameystiri doono 30-ka Ramadan

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliya ayaa caawa ku dhawaaqday inaysan Axadda berrito ciid ahayn, sidaasi daraadeedna la kaamil-yeeli doono 30-ka bisha Ramadan.

Wasaaradda ayaa sheegtay inaanay jirin goob laga arkay dhalashada bisha Shawaal, ayna tahay in la dhameystiro soddonka cisho ee bisha Soon-qaad.

Maalinta Isniinta ayaa waxay noqonaysaa maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga, oo taariikhduna ku beegan tahay 2-da bisha May.

Wadamada Islaamka oo Sacuudigu uu ugu horreeyo ayaa iclaamiyay in berrito aysan ciid ahayn, ayna waajib tahay in la dhameystiro soddonka maalmood ee bisha barakeysan ee Ramadan.

Muslimiinta ku nool wadamada kale ee dunida ayaa waxay sidoo kale ciidi doonaan maalinta Isniinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com