Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa xalay shaaciyay Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa laba ka mida kuraasta Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.
Kuraastan oo tirsigoodu yahay #HOP141 iyo HOP#146 ayaa lagu wadaa in lagu doorto Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.
Marka laga soo taggo kuraastan ayaa waxaa hadda Hirshabelle ku harsan hal kursi oo keliya, kaasoo uu tirsigoosu yahay #HOP135, waana kursigii laga soo wareejiyay Magaalada Beledweyne, ee ay ku fadhisay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi, oo ku geeriyootay weerar ismiidaamin ahaa oo 23-kii bishii March ka dhacay magaaladaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com