Guddoonka Labada Aqal oo u gogol xaaraya doorashada Madaxweynaha (SAWIRRO)

Guddoonka cusub ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyay, tan iyo markii la doortay, daba-yaaqadii bishii April.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qoraal ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ay ka wada hadleen kulanka wadajirka ah ee 4-ta bishan yeelanayaan Xildhibaanada Labada Aqalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulanka Labada Gole looga hadli doono doorashada madaxweynaha iyo miisaaniyadda dowladda ee sanadkan.

“Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay Kalfadhiga Baarlamaanka ee loo ballansan yahay May 04, 2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, waxaana looga hadli doonnaa arrimaha doorashada madaxweynaha dalka iyo miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Saaxiibada caalamiga ee Somaliya ayaa ku baaqaya in la dedejiyo doorashada madaxweynaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com