Madaxweyne Farmaajo oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Ciidul Fidriga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay jooggaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii bishii Ramadan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Taliyeyaasha, Saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiirigeliyay horumarka dhanka amniga iyo dib-u-habeynta Ciidamada Soomaaliyeed.

“Munaasabadda Ciidda, waxaan farxaddeeda si gaar ah ula qeybsanayaa Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida. In shacabka Soomaaliyeed, ay si nabad ah ku soomeen Bisha Ramadaan sannadihii la soo dhaafay, waxay ku timid, Alle fadligiis ka sakoow, halgan iyo howl badan oo ay qabteen Ciidanka Soomaaliyeed, maadaama uu jiro cadow argagixiso ah oo duullaan ku ah dalkeenna, caadeystayna in ay xoojiyaan dhagartooda maalmaha cibaadada ee Bisha Ramadaan.”

Madaxweyne Farmaajo oo dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeqsiiyaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com