Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa galabta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.
Shariif Sheekh Axmed ayaa si dhib yari ah ugu guuleystay kursiga #HOP146, markii uu tartanka ka tanaasulay musharaxii keliya ee lagu waday inuu la tartamo oo lagu magacaabo Shariif Abuukar Axmed.
Qoraal lagu daabacay bogga Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa lagu yiri “Murashax Shariif Sheekh Axmed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowladda Hirshabelle.”
Shariif Sheekh Axmed oo maanta uun gaaray Magaalada Jowhar ayaa qaatay shahaadada musharaxnimo, iyadoo saacado ka dibna loo doortay kursigii uu u tartamayay.
Shariifka ayaa ka mid ah musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com