Tiro dad ah oo lagu qabqabtay Magaalada Dhuusamareeb (SAWRRO)

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda Galmudug ayaa xalay hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay qaybo ka mida Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada oo lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada ayaa baaritaano ku sameynayay gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo weliba dadka la socda.

Hawlgalka oo markii dambe ay ku biireen Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu soo qabqabtay hub, qamri iyo rag isugu jira kuwa isticmaala maandooriyaha iyo kuwa kale oo lala xiriiriyay inay qayb ka yihiin kooxaha nabadiidka.

Intii uu hawlgalku socday Saraakiisha Ciidamada ayaa kormeeray kontoroolada ay ciidamadu ku leeyihiin duleedyada magaaladaasi.

Taliyaha cusub ee Saldhigga Booliska Dhuusamareeb, Muumin Ciise Maxamuud oo hawlgalka hoggaaminayay ayaa ciidamada ugu baaqay feejignaan, hawlgalkuna uu noqon doono sida uu yiri mid joogto ah.

Taliyaha oo ciidamada la hadlayay ayaa sheegay inay ka warqabaan, ayna hayaan xogta kooxaha uu sheegay ku dhex dhuumanaya shacabka ee doonaya inay burburiyaan dowladnimada.

Hawlgalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ay dhaqdhaqaaq ciidan ka waddo deegaanka Bohol, oo dhanka waqooyi kaga beegan Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com