Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Ciidda ku tukaday Masaajidka Shuhadada (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Salaadda Ciidda ku tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ummadda Muslimiinta ah iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha oo Salaadda Ciidda ka dib khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ku booriyay in ay ku dadaalaan taakulaynta dadka danyarta ah iyo ka shaqaynta danta guud, taasoo qayb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay dadaallada dowladdu ay ku bixisay ka shaqaynta midnida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed midoobaan, una guntadaan horumarinta dowladnimadooda.

“Waxaan mudnaanta siinnay in aan ilaalinno midnimado dalkeenna, difaaca sharafteenna iyo horumarinta dowladnimadeenna. Waxaan diiradda saarnay dib u habaynta caddaaladda iyo garsoorka oo tiir u ah nolasha wanaagsan iyo diinteena suubban.”

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ugu baaqay inay dowrkooda ka qaataan dib-u-dhiska dalka, xasilloonida iyo la dagaalanka cadowga argagixisada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com