Magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida ayaa maanta looga ciidayaa si isku mida, ka dib markii maamulada ay xalay iclaamiyeen in Isniintan ay tahay maalinta 1aad ee bisha Shawaal.
Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Hargeysa, Jigjiga iyo Djibouti ayaa maanta laga wada ciidayaa.
Sidoo kale dhulka ay maamulaan maleeshiyada Al Shabaab ayaa laga ciidayaa maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga.
Maamulada ayaa min dhowr cisho fasaxay shaqaalaha rayidka, si ay farxadda ciidda ula wadaagaan qoysaskooda.
Dadweynaha ayaa Salaadda Ciidda ku tukaday Masaajidda iyo fagaareyaasha loo asteeyay in Salaadda lagu ooggo.
Soomaalida ayaa maanta dunida inteeda kale kala mideysan dagaaldegga iyo xuska ciidda koobaad ee Islaamka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com