Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu Gudoomiyaha cusub ee Aqalka Sare ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen doorashada madaxweynaha dalka, haddiiba la soo geba-gabeeyay doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

“Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay dhameystirka doorashada iyo u diyaargarowga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ka dib doorashadii Guddoonka Labada Aqal ee BJFS.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xildhibaanada Labada Gole oo Arbacada yeelanaya kulankoodii ugu horeeyay oo wadajir ah ayaa looga hadli doonnaa doorashada madaxweynaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com