Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa galabta Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka.
Gudoomiyaha oo isugu yeeray Saraakiisha ayaa kala hadlay amniga doorashada dalka, waana xilli loo diyaargaoobayo doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Qoraal lagu daabacay bogga Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Ciidamada looga digay inay ku milmaan siyaasadda, ayna tahay inay Gudoomiyaha Golaha Shacabka kaga amar qaataan amniga doorashada, inta laga dooranayo madaxweynaha.
“Saraakiisha Ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka, inta lagu jiro marxaladda kala guurka, illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Aadan Madoobe ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com