Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar saf ballaaran oo saakay, ay mintidiinta Al Shabaab ku qaadeen Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Weerarka ayaa ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu ekeeyay afaafka hore ee xeradaasi, waxaana xigay weerar toos ahaa oo Shabaabku ku galeen xeradaasi.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Xoogaga Shabaabka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta xeradaasi, ka dib markii ay dagaalka uga itaal roonaadeen ciidamadii ku sugnaa.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka ATMIS ay ku qalqaleen qaraxyadii uu weerarku ku bilowday, ayna u xigtay rasaas jiha walba kaga soo dhaceysa, taasoo keentay in askarta ku firxadaan dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in diyaarado helicoptero ah ay gurmad ahaan ugu yimaadeen Ciidamada ATMIS, ayna arkayeen diyaaradahaasi oo rasaas ku furaya Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Shabaabka oo isku deyaaya inay dib u caabiyaan.
Ururka Al Shabaab ayaa warkoodii ugu dambeeyay ee weerarkaasi ka soo saareen waxa ay ku sheegeen in khasaaraha Ciidamada ATMIS uu hadda gaaray dhimashada 173 askari. Waxay kaloo sheegeen inay hayaan askar nool oo dagaalka ay ku qabteen, ayna cagta mariyeen gebi ahaanba xeradaasi, hub badana ay ka qaateen.
Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa tebisay in Shabaabku ay dadka deegaanka u fasaxeen inay gudaha u galaan xeradaasi, wixii ay doonaana ay ka qaataan.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Midowga Afrika ee ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarka culus ee Shabaabku kula wareegeen xeradaasi.
Dhanka kale saddex qof oo rayid ah ayay dadka deegaanku xaqiijiyeen inay dagaalka ku dhinteen, halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ee Shabaabku ku qaadaan mid ka mid ah Xeryaha ATMIS, tan iyo markii 31-kii bishii March Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika laga bedelay magacoodii hore ee AMISOM.
Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa ka biyo diidan jooggitaanka Ciidamada ATMIS ee dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com