Maanta oo kale 3-da bisha May ayaa waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ee Xorriyadda Saxaafadda, si loogu muujiyo muhiimadda ay Saxafiyiintu u leeyihiin dunidaan aynu ku dul noolnahay.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan ayaa ku nuuxnuuxsaday doorka muhiimka ah ee Warbaahinta dalka u leedahay bulshada Soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay in la xaqiijiyo inay shaqadooda u gudan karaan, si nabad oo xor ah.
Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay in Saxaafadda Somaliya ay galaangal u yeelato inay si xor ahi uga shaqayn karto dalka.
“Saxaafadda Somaliya waa qayb muhiim ah oo ka mida kobaca dimoqraadiyadda, waxayna u baahan yihiin inay awoodaan inay shaqadooda u qabsadaan si xor ah, oo aan lahayn hanjabaad, cago-jugleyn iyo waxyeelo kale, si ay u gutaan shaqadooda muhiimka ah.” Ayuu yiri James Swan.
James Swan ayaa sheegay in weli Saxafiyiinta Soomaaliyeed lagu hayo sida uu yiri hanjabaad jireed, meelo badan oo dalka ka mid ah, waxaana tan iyo sanadkii hore la dilay buu yiri hal Wariye, halka laba kalena la dhaawacay. Muddadaasi waxaa uu sheegay in la xiray 64 Wariye iyo Shaqaale Warbaahineed, iyagoo gudanaya shaqadooda.
Farriinta uu dirayo James Swan ayaa ah in Wariye-yaasha Soomaaliyeed ay ka gudbaan dhibaatooyinka lagu hayo, si ay si madaxbannaan ugu adeeggaan bulshada.
Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida dalalka ugu halista dunida ee Saxafi uu ka hawlgalo, bacdamaa Wariye-yaasha loogu gaysto xagudubyada isugu jira dilka, dhaawaca, xarigga iyo baqdin-gelin joogto ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com