Shabaab oo weerar saf ballaaran ku qaaday Xerada Ceelbaraf

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa saaka weerar culus ku ekeeyay Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka ayaa dhowr jiho ka weeraray Xerada Ciidanka Midowga Afrika ku leeyihiin deegaankaasi. Ceelbaraf waxay ku dhowdahay xadka kala qaybiya Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xilligii Salaadda Subax ka dib ay maqleen qaraxyo waaweyn iyo rasaas xoog leh, oo ka dhaceysa aagga Xerada Ciidanka Militariga Burundi ee deegaankaasi. Militariga Burundi ayaana qayb ka ah Hawlgalka KMG ee ATMIS.

Sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka dagaal faraha looga gubtay ayaa xilligan ka soconaya deegaankaasi, xaaladuna ay tahay mid aad u kacsan.

Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha ayaa goor dhow baahisay in Xoogaga Shabaabka ay cagta mariyeen xeradaasi militari, uuna jiro khasaaro baaxad leh oo la gaarsiiyay Ciidamada ATMIS.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkan ugu dambeeyay, ee saaka Shabaabku ku qaadeen xeradaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com